Baro Cryptocurrency, Blockchain iyo Web3 Af-Soomaali — laga bilaabo aasaaska ilaa isticmaalka practical ah ee wallet-yada, exchange-yada iyo amniga digital assets. Waxbarasho keliya, ma aha ballanqaad faa'iido.

Asad Gaaciye
Cryptocurrency Instructor · Beta Academy
100% BILAASHKa hor intaadan maalgashan crypto, waxaa muhiim ah inaad fahanto cycle-ka soo socda. buuggan yar wuxuu ku siinayaa faham guud oo ku saabsan crypto iyo si gaar ah meertada soo socota ee suuqa.
Yoolka ugu weyn ee akaadamigaani waa; fahan sida ay crypto u shaqayso, systemyada ay ku shaqayso iyo inaad maalgashan kartid. marna kuma dadaalno inaan sawirno charts kala duwan si ay u go'aamiyaan inaan coin iibsano.
Erey-bixin fudud oo Soomaali ah, halka ereyada tiknoolajiyada sida Blockchain, Wallet iyo Token loo sharraxo si la fahmi karo.
Casharrada waxay ka bilowdaan 'waa maxay cryptocurrency?' ilaa isticmaalka dhabta ah ee exchange-yada iyo DeFi.
Beta Academy waxbarasho keliya ayay bixisaa. Lacagtaada ma maamulno, mana samayno faa'iido.
Tallaabo-tallaabo: sida wallet loo sameeyo, sida crypto loo iibsato, sida looga ilaaliyo khiyaanada iyo khasaaraha.
Cashar dhan waxaa ku dhex jira faham khatarta, maareynta halista iyo sida looga hortago scam-yada.
Mar iibso oo si joogto ah u daawo — cusboonaysiin iyo casharro cusub oo lagu darayo, qalab kasta.
Dashboard-kaaga wuxuu isku meel keenayaa koorsooyinka aad qaadatay, horumarka, natiijooyinka quiz-yada iyo shahaadooyinka — sii wad meeshii aad ka joogsatay.
Fur Dashboard-ka279 reviews, averaging 4.7 out of 5 across the catalog.
Waxaan bilaabay iyadoon wax aan ka aqoon crypto. Casharrada Beta Academy waxay si fudud ii sharxeen blockchain, wallet iyo sida looga ilaaliyo khiyaanada. Hadda si kalsooni leh ayaan u fahmi karaa suuqa.
Qaybta amniga ayaa iigu qiimo badnayd. Waxaan bartay sida seed phrase loo ilaaliyo iyo sida loo kala saaro project sax ah iyo mid scam ah.
Binance iyo Trust Wallet horay waan isticmaalayay, laakiin ma fahmin waxa dhacaya. Hadda waan garanayaa habka shaqadu u socoto iyo khatarta jirta.
Waxa iigu fiicnaa in Af-Soomaali lagu sharxay. Ustaad Asad Gaciye si dulqaad leh ayuu casharka u dhigaa oo su'aal walba wuu ka jawaabaa.
Faham dhab ah oo ku saabsan DEX, liquidity iyo token-nada. Ma aha ballanqaad lacag, waa aqoon dhab ah oo la isticmaali karo.
Casharrada waa gaaban oo cad. Waxaan ku daawaday taleefankayga oo aan ku qaatay notes — 3 toddobaad kadib waxaan fahmay aasaaska oo dhan.
Jawaabo cad oo kooban ku saabsan koorsooyinka, lacag bixinta, shahaadada iyo taageerada ardayda ee Beta Academy.
Beta Academy waa madal waxbarasho online ah oo dadka Soomaaliyeed ka caawisa inay si fudud oo practical ah u fahmaan Cryptocurrency, Blockchain iyo teknoolojiyada cusub ee maaliyadda dijitaalka ah — dhammaantiis Af-Soomaali.
Su'aal kale ma qabtaa?
Kooxdayada taageerada waa diyaar — jawaab degdeg ah ku hel WhatsApp.
Samee akoon bilaash ah, dooro koorsadaada koowaad, kadibna bilow barashada crypto Af-Soomaali.